Ku saabsan
RFJ, Waaxda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka barnaamijkeeda abaalmarineed ee amniga qaranka, waxaa la aasaasay 1984-kii Xeerka La-dagaalanka Argagaxisada Caalamiga ah, Sharciga Dadweynaha 98-533 (kuna lifaaqan 22 USC § 2708). Waxaa maamula Xafiiska Amniga Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Hadafka RFJ waa in ay bixisolacag abaalmarinno ah oo ay u bixinayaan si ay u helaan macluumaadka ilaaliya nolosha dadka Mareykanka iyo danaha Mareykanka iyo sii wadida amniga qaranka Mareykanka.
Illa iyo 1984kii, Koongarasku waxa uu balaariyay sharciga barnaamijka Abaalmarinta Caddaalaadda inn abaalmarin la siiyo wixii macluumaad ah ee hoos yimaada afar qaybood:
Marka haddii Xoghayaha Arrimaha Deibadda uu ogolaado bixinta lacagta abaalmarinta, RFJ waa ay xayaysiisaa oo waxay ka qaybgelisaa dadka la beegsanayo si hab dhaqan ku habboon iyadoo la isticmaalayo qalabyo kala duwan, oo ay ku jiraan baraha bulshada, baraha bulshada ku sheekeysto, iyo warbaahinta caadiga.
Xayeysiisyada RFJ waxay si toos ah shakhsiyaadka u fartaa in xogta ay hayaan ama xogtooda ay si toos ah ugu soo diraan khadadka talooyinka gaarka ah ee RFJ ee RFJ iyagoo adeegsanaya dhowr codsiyo fariimo ah oo la heli karo oo sir ah, oo ay ku jiraan Signal, Telegram, iyo WhatsApp. Sidoo kale shakhsiyaadka xogtooda waxay ku soo gudbin karaan dhanka iimaylka iyo akoonnada warbaahinta bulshada. RFJ waxay xogta ku faafisaa hay’addaha USG ee ku habboon.
Haddii macluumaadka uu bixiyo war-bixiyaha ay dhaliso natiijo wanaagsan, hay’adda baarista Maraykanka ee ka shaqaynaysa kiiskaas ayaa laga yaabaa inay go’aansato in xog soo gudbiyaha la siiyo lacagta abaalmarinta. Magacaabista lacag bixinta ayaa waxaa dib u eegis ku sameeynaya guddi ka tirsan hay’adaha ka dibna waxaa loo dirayaa Xoghayaha si uu go’aan uga gaaro in lacag la bixinayo iyo in kale.
Tan iyo markii la aasaasay 1984-kii, barnaamijka wuxuu bixiyay in ka badan $250 milyan oo la siiyay in ka badan 125 qof oo caalamka ku nool kuwaas oo bixiyay macluumaad la taaban karo oo gacan ka geystay xallinta khataraha soo wajahay amniga qaranka Mareykanka.
You may choose from multiple platforms and contact us in numerous languages. To process your information efficiently, we ask you to state your information as succinctly as possible, provide your name, location, and preferred language, and upload all relevant files such as photographs, videos, and documents to support your information. An RFJ representative will soon contact you. Please be patient, as RFJ reads every tip we receive.
Please open your Line app to submit a tip. The number is +1 202 702 7843
Please open your Viber app to submit a tip. The number is +1 202 702 7843
Please visit our Tor-based tips-reporting channel at: he5dybnt7sr6cm32xt77pazmtm65flqy6irivtflruqfc5ep7eiodiad.onion
Waxaad ka dooran kartaa meelo badan oo aad nagula soo xiriirto oo luqado aad noogu soo gudbin karto. Si xogtaada si hufan loo socodsiiyo, waxaan ku waydiisanaynaa inaad macluumaadkaaga aad u sheegto sida ugu kooban ee suurtogalka ah, u soo raaci magacaaga, goobtaada, iyo luqadda aad door bidayso, oo aad geliso dhammaan faylasha khuseeya sida sawiro, muuqaalo, iyo dukumeenti si xogtaada ay wax uga tarto. Wakiil RFJ ka socda ayaa dhawaan kula soo xiriiri doona. Fadlan samir yeesho, maadaama RFJ ay akhrinayso tilmaan kasta oo na la soo gaarsiiyo.
Fadlan fur abkaaga Line-ka si aad tilmaan noogu soo gudbiso. Lambarku waa +1 (202) 975-9160
Fadlan fur abkaaga Viber-ka si aad tilmaan noogu soo gudbiso. Lambarku waa +1 (202) 975-9160
Fadlan booqo kanaalka-warbixinta talooyinka-ku-saleysan Tor ee ah: he5dybnt7sr6cm32xt77pazmtm65flqy6irivtflruqfc5ep7eiodiad.onion