Websaytka rasmiga ah ee dawladda Mareykanka

Al-Qaacidada Maqribul Islaamig (AQIM)

Bariga dhow - Waqooyiga Afrika iyo Bariga Dhexe

Adiga kaalintaada ka qaado.

Markeedii hore waxaa loo yaqiinay Kooxda Salaafist ee Khudbada iyo Dagaalka, al-Qaacida (GSPC) ee Maqrib Islaami (AQIM) waxay rumowday ka dib markii ay kooxdu ku dhawaaqday inay daacad u yihiin al-Qaacida ee sannadkii 2006. In kasta oo AQIM ay weli guud ahaanba tahay koox argaggixiso oo diiradda saara gobolka Sahel, haddana waxay qaadatay hadallo iyo fikrado ka soo horjeeda reer Galbeedka.

AQIM waxay si joogta ah u geysatey falal argaggixisanimo, oo ay ku jiraan qaraxyo ismiidaamin ah, weerarro lagu bartilmaameedsanayo dad rayid ah, iyo afduubyo madax-furasho ah. Weerarkii bambaano ee 2007 ay AQIM ku qaaday dhismaha xarunta Qaramada Midoobay iyo dhismo ay dawladda Aljeeriya ku lahayd Algiers ayaa waxaa ku dhintay 60 qof. Bishii Janaayo 2016, AQIM ayaa weerar ku qaaday hotel ku yaal Burkina Faso halkaas oo ay ku dhinteen 28 qof, 56 kalena ay ku dhaawacmeen. Bishii Maarso 2016, AQIM waxay sheegatay mas’uuliyadda weerar ka dhacay xeebta loo tamash tago ee Côte d’Ivoire oo ay ku dhinteen in ka badan 16 qof ayna ku dhaawacmeen 33 kale. Bishii Janaayo 2017, AQIM waxay fulisay weerar ismiidaamin ah oo ay ku dhinteen in ka badan 50 qof oo ku sugnaa magaalada Gao, ee dalka Maali.

Taariikdu markay ahayd 27ka bisha Maarso, 2002, Wasaarada Arimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa AQIM u magacaabay inay yihiin Urur Argaggixiso Shisheeye sida ku xusan Qodobka 219 ee Xeerka Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadda, sida wax laga beddelay. Markeedii hore, taariikdu markay ahayd 23ka, bisha Seteember, 2001, AQIM waxa ay ku qoran tahay Lifaaqa Amarka Fulinta 13224, sidaas awgeed, waxaa saaran cunaqabatayn sida hoos timaada Argaggixiso Caalami oo si Gaar ah u Magacaaban. Tan awgeed, dhammaan hantida, iyo danaha hanti, ee AQIM, hoos timaadaa xukunka Mareykanka waa la xannibay, guud ahaan shaqsiyaadka Mareykankana waxaa laga mamnuucay inay wax fulin heshiis-ganacsi ah ay AQIM la sameeyaan. Waa dembi in si oggaal ah loo bixiyo, ama la isku dayo ama la maleego in la bixiyo, ilo ama taageero maaddi ah loo gudbiyo AQIM.

SUBMIT A TIP

Do Your Part. Secure a Safer World.

There are many ways to submit information to Rewards for Justice.

You may choose from multiple platforms and contact us in numerous languages. To process your information efficiently, we ask you to state your information as succinctly as possible, provide your name, location, and preferred language, and upload all relevant files such as photographs, videos, and documents to support your information. An RFJ representative will soon contact you. Please be patient, as RFJ reads every tip we receive.

Please visit our Tor-based tips-reporting channel at: he5dybnt7sr6cm32xt77pazmtm65flqy6irivtflruqfc5ep7eiodiad.onion

Si Tilmaan aad u soo Gudbiso

Adiga kaalintaada ka qaado. Adduunyo Ammaan ah Xaqiiji.

Waxaa jira siyaabo dhowr ah oo aad tilmaan u soo gudbin karto.

Waxaad ka dooran kartaa meelo badan oo aad nagula soo xiriirto oo luqado aad noogu soo gudbin karto. Si xogtaada si hufan loo socodsiiyo, waxaan ku waydiisanaynaa inaad macluumaadkaaga aad u sheegto sida ugu kooban ee suurtogalka ah, u soo raaci magacaaga, goobtaada, iyo luqadda aad door bidayso, oo aad geliso dhammaan faylasha khuseeya sida sawiro, muuqaalo, iyo dukumeenti si xogtaada ay wax uga tarto. Wakiil RFJ ka socda ayaa dhawaan kula soo xiriiri doona. Fadlan samir yeesho, maadaama RFJ ay akhrinayso tilmaan kasta oo na la soo gaarsiiyo.

Fadlan booqo kanaalka-warbixinta talooyinka-ku-saleysan Tor ee ah: he5dybnt7sr6cm32xt77pazmtm65flqy6irivtflruqfc5ep7eiodiad.onion

Skip to content