Websaytka rasmiga ah ee dawladda Mareykanka

Al-Shabaab

Afrika – Saxaraha ka Hooseeya

Adiga kaalintaada ka qaado.

Al-Shabaab waa urur xiriir la leh al-Qaacida (AQ) waxayna xiriir la leedahay AQ- oo AQ kalena xiriir ayay la leedahay, sida AQ ee Jaziirada Carabta iyo AQ ee Maqribul Islaami. Al-Shabaab ayaa ahayd garabka mayalka adag ee Golihii hore ee Maxkamadaha Islaamiga ee Soomaaliga ee la wareegay qeybo ka mid ah koonfurta Soomaaliya intii lagu jiray qaybtii labaad ee sanadkii 2006-dii. Tan iyo dhamaadkii sannadkii 2006, al-Shabaab iyo malleeshiyaadka xiriirka la leh waxay ku hawlanaayeen kacdoono rabsho wata iyagoo isticmaalaya dagaal dhuumaaleysi ah iyo xeelado argaggixisanimo oo ka dhan ah dowladihii ku meel gaarka ahaa ee Soomaaliya soo maray.

Al-Shabaab ayaa weeraro ka geystay dalalka Soomaaliya, Keenya, Ugaanda iyo Jabuuti. Al-Shabaab ayaa mas’uul ka ahaa qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee dhacay taariikhdu markay ahayd 11ka bisha Luulyo, 2010 ka dhacay Kampaala. Weerarka, oo dhacay intii uu socday Koobka Adduunka, ayaa waxaa ku dhintay 76 qof, oo ay ku jiraan muwaadin Mareykan ah. Bishii Seteember 2013, al-Shabaab ayaa qaaday weerar xooggan oo ay ku qaadeen xarunta ganacsiga ee Westgate Mall ee magaalada Nairobi. Go’doomintanta socotay dhowr maalmood ayaa sababtay dhimashada ugu yaraan 65 qof oo dad rayid ah, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay lix askari iyo saraakiil booliis ah iyo boqolaal kale. Bishii April 2015, al-Shabaab ayaa weerar hub fudud iyo bambaanooyin ku qaaday Kulliyadda Jaamacadda Gaarisa ee dalka Kenya, halkaasoo lagu dillay 148 qof.

Taariikdu markay ahayd 18ka bisha Maarso, 2008, Wasaarada Arimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa al-Shabaab u magacaabay inay yihiin Urur Argaggixiso Shisheeye sida ku xusan qodobka 219 ee Xeerka Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadda, sida wax laga beddelay. Markeedii hore, taariikhdu markay ahayd 19ka bisha Maajo, 2008, Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa al-Shabaab waxay u magawday inay yihiin Argaggixiso Caalami oo Gaar ah markii loo hiigsaday Amarrada Dowliga ee 13224, sida la baddalay. Tan awgeed, dhammaan hantida, iyo danaha hanti, ee al-Shabaab, hoos timaadaa xukunka Mareykanka waa la xannibay, guud ahaan shaqsiyaadka Mareykankana waxaa laga mamnuucay inay wax fulin heshiis-ganacsi ah ay al-Shabaab la sameeyaan. Waa dembi in si oggaal ah loo bixiyo, ama la isku dayo ama la maleego in la bixiyo, ilo ama taageero maaddi ah loo gudbiyo al-Shabaab.

SUBMIT A TIP

Do Your Part. Secure a Safer World.

There are many ways to submit information to Rewards for Justice.

You may choose from multiple platforms and contact us in numerous languages. To process your information efficiently, we ask you to state your information as succinctly as possible, provide your name, location, and preferred language, and upload all relevant files such as photographs, videos, and documents to support your information. An RFJ representative will soon contact you. Please be patient, as RFJ reads every tip we receive.

Please visit our Tor-based tips-reporting channel at: he5dybnt7sr6cm32xt77pazmtm65flqy6irivtflruqfc5ep7eiodiad.onion

Si Tilmaan aad u soo Gudbiso

Adiga kaalintaada ka qaado. Adduunyo Ammaan ah Xaqiiji.

Waxaa jira siyaabo dhowr ah oo aad tilmaan u soo gudbin karto.

Waxaad ka dooran kartaa meelo badan oo aad nagula soo xiriirto oo luqado aad noogu soo gudbin karto. Si xogtaada si hufan loo socodsiiyo, waxaan ku waydiisanaynaa inaad macluumaadkaaga aad u sheegto sida ugu kooban ee suurtogalka ah, u soo raaci magacaaga, goobtaada, iyo luqadda aad door bidayso, oo aad geliso dhammaan faylasha khuseeya sida sawiro, muuqaalo, iyo dukumeenti si xogtaada ay wax uga tarto. Wakiil RFJ ka socda ayaa dhawaan kula soo xiriiri doona. Fadlan samir yeesho, maadaama RFJ ay akhrinayso tilmaan kasta oo na la soo gaarsiiyo.

Fadlan booqo kanaalka-warbixinta talooyinka-ku-saleysan Tor ee ah: he5dybnt7sr6cm32xt77pazmtm65flqy6irivtflruqfc5ep7eiodiad.onion

Skip to content