Websaytka rasmiga ah ee dawladda Mareykanka

Maxamed Makawi Ibraahim Maxamed

Afrika – Saxaraha ka Hooseeya

Barnaamijka Abaalmarinta Caddaalaadda ayaa bixinaysa abaalmarin gaaraysa illaa $5 milyan oo ay siinayo ciddii keenta xog ku saabsan Maxamed Makawi Ibrahim Maxamed. Wuxuu ahaa hoggaamiyihii weerarkii lagu dilay shaqaalaha Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanka (USAID) John Granville iyo Cabdelraxman Cabbas Raxama oo lagu dilay Khartoum taariikhdu markay ahayd 1da bisha Janaayo, 2008. Makawi waxa uu xiriir la lahaa koox ku sugan dalka Suudaan oo lagu magacaabo al-Qaacidada dhulka Labada Niil, kuwaas oo maleegayay inay weeraraan danaha Maraykanka, reer Galbeedka iyo Suudaan.

Maxkamad Suudaan ku taala ayaa la soo hortaagay, dembi ku heshay, oo waxayna Makawi ku xukuntay dil sanadka markuu ahaa 2009-kii kaalinta isaga uu ku lahaa dilalka. Si kastaba ha noqotee, Makawi ayaa xabsiga ka baxsaday 10ka bisha Juun, 2010, ka hor inta xukunkiisa aan la fulin. illaa iyo hadda baadi-goobkiisa ayaa lagu jira oo waxaa la rumeysan yahay inuu Soomaaliya ku sugan yahay.

Taariikhdu markay ahayad 8da bisha Janaayo, 2013, Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa Makawi waxay u magawday inuu yahay Argaggixiso Caalami oo Gaar ah markii loo hiigsaday Amarrada Dowliga ee 13224, sida la baddalay. U aqoonsigan, iyo cawaaqibyada kale darteed, dhammaan hantida, iyo danaha hanti, ee Makawi hoos timaadaa xukunka Mareykanka waa la xannibay, guud ahaan shaqsiyaadka Mareykankana waxaa laga mamnuucay inay wax fulin heshiis-ganacsi ah ay Makawi la sameeyaan.

Sawirada:

Goobaha ku Xiran:

Soomaaliya, Suudan

Tariikhda Dhalashada:

1984

Goobta Dhalashada:

Suudaan

Dhalashada:

Suudaan

Jinsi:

Lab

Midabka Timaha:

Madow

Midabka Indhaha:

Bunni Mugdi

Luqadda lagu Hadlo:

Carabi;Ingiriis

NaanaysMagacyada Kale Higaada:

Maxamed Makaawi;Maxamed Makaawi Ibraahim Maxamed;Maxamed Makkawi Ibraahim;Maxamed Makawi Ibraahim Muxamed

SUBMIT A TIP

Do Your Part. Secure a Safer World.

There are many ways to submit information to Rewards for Justice.

You may choose from multiple platforms and contact us in numerous languages. To process your information efficiently, we ask you to state your information as succinctly as possible, provide your name, location, and preferred language, and upload all relevant files such as photographs, videos, and documents to support your information. An RFJ representative will soon contact you. Please be patient, as RFJ reads every tip we receive.

Please visit our Tor-based tips-reporting channel at: he5dybnt7sr6cm32xt77pazmtm65flqy6irivtflruqfc5ep7eiodiad.onion

Si Tilmaan aad u soo Gudbiso

Adiga kaalintaada ka qaado. Adduunyo Ammaan ah Xaqiiji.

Waxaa jira siyaabo dhowr ah oo aad tilmaan u soo gudbin karto.

Waxaad ka dooran kartaa meelo badan oo aad nagula soo xiriirto oo luqado aad noogu soo gudbin karto. Si xogtaada si hufan loo socodsiiyo, waxaan ku waydiisanaynaa inaad macluumaadkaaga aad u sheegto sida ugu kooban ee suurtogalka ah, u soo raaci magacaaga, goobtaada, iyo luqadda aad door bidayso, oo aad geliso dhammaan faylasha khuseeya sida sawiro, muuqaalo, iyo dukumeenti si xogtaada ay wax uga tarto. Wakiil RFJ ka socda ayaa dhawaan kula soo xiriiri doona. Fadlan samir yeesho, maadaama RFJ ay akhrinayso tilmaan kasta oo na la soo gaarsiiyo.

Fadlan booqo kanaalka-warbixinta talooyinka-ku-saleysan Tor ee ah: he5dybnt7sr6cm32xt77pazmtm65flqy6irivtflruqfc5ep7eiodiad.onion

Skip to content