Websaytka rasmiga ah ee dawladda Mareykanka

Maxammad Axmed Al-Munawar

Bariga dhow - Waqooyiga Afrika iyo Bariga Dhexe

Barnaamijka Abaalmarinta Caddaalaadda ayaa bixinaysa abaalmarin gaaraysa illaa $5 milyan oo ay siinayso ciddii keenta xog ku saabsan Maxammad Axmed al-Munawar oo loo yaqaan Ashraf Naceem Mansour. Al-Munawar oo lagu eedeeyay in uu ka tirsan yahay kooxda argagixisada ah ee Abu Nidal Organization, ayaa loo raadinayaa doorki uu ku lahaa afduubkii Pan Am Duulimaadkii 73 ee dhacay taariikhdu markay ahayd 5ta bisha Seteember, 1986 ee Karachi, Pakistan. Ka dib markii ay afduub ku haysteen 379 rakaab iyo shaqaalihii diyaaradda saarma muddo ku dhow 16 saacadood, afduubayaashu waxay bilaabeen inay si aan kala sooc lahayn u toogtaan. Labaatan qof, oo ay ku jiraan labo Maraykan ah, ayaa ku dhintay in ka badan 100 kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Doorkii uu ku lahaa afduubka, al-Munawar waxaa dacwad ku soo oogay xeerbeegti heer federaal ah oo Maraykan ah, wuxuuna ku jiraa Liiska Argaggixisada ee loogu Doonista Badan yahay ee FBI-da. Al-Munawar waxay u badan tahay inuu deggan yahay ama ku nool yahay Bariga Dhexe.

Sawirada:

Sawirdabi-derbi:

Tariikhda Dhalashada:

21 Maajo, 1965

Goobta Dhalashada:

Kuwait

Muwadinnimo:

Falastiin;malaha Lubnaan

Dhalashada:

Falastiin

Jinsi:

Lab

Dhererka:

5’9” (175 cm)

Culeys:

132 lbs (60 kg)

Dhisnaan Jir:

Dhexdhexaad

Midabka Timaha:

Madow

Midabka Indhaha:

Mugdi

Middab isku-dhafan:

Yar cad

Astaamo lagu Garto:

Al-Munawar gacantiisa bidix ee suulka agtiisa nabar baa kaga yaal.

Luqadda lagu Hadlo:

Carabi

NaanaysMagacyada Kale Higaada:

Cabdaraxman al-Rashid Mansour;Ashraf Naeem Mansour;Zubair;Shamed Khalil Zubair;Cabdul Raxman Al-Rashid Mansoor;Al Rashad Mansur;Axmed Khalid Zubair;Abdur Rexman Rashad Mansur

SUBMIT A TIP

Do Your Part. Secure a Safer World.

There are many ways to submit information to Rewards for Justice.

You may choose from multiple platforms and contact us in numerous languages. To process your information efficiently, we ask you to state your information as succinctly as possible, provide your name, location, and preferred language, and upload all relevant files such as photographs, videos, and documents to support your information. An RFJ representative will soon contact you. Please be patient, as RFJ reads every tip we receive.

Please visit our Tor-based tips-reporting channel at: he5dybnt7sr6cm32xt77pazmtm65flqy6irivtflruqfc5ep7eiodiad.onion

Si Tilmaan aad u soo Gudbiso

Adiga kaalintaada ka qaado. Adduunyo Ammaan ah Xaqiiji.

Waxaa jira siyaabo dhowr ah oo aad tilmaan u soo gudbin karto.

Waxaad ka dooran kartaa meelo badan oo aad nagula soo xiriirto oo luqado aad noogu soo gudbin karto. Si xogtaada si hufan loo socodsiiyo, waxaan ku waydiisanaynaa inaad macluumaadkaaga aad u sheegto sida ugu kooban ee suurtogalka ah, u soo raaci magacaaga, goobtaada, iyo luqadda aad door bidayso, oo aad geliso dhammaan faylasha khuseeya sida sawiro, muuqaalo, iyo dukumeenti si xogtaada ay wax uga tarto. Wakiil RFJ ka socda ayaa dhawaan kula soo xiriiri doona. Fadlan samir yeesho, maadaama RFJ ay akhrinayso tilmaan kasta oo na la soo gaarsiiyo.

Fadlan booqo kanaalka-warbixinta talooyinka-ku-saleysan Tor ee ah: he5dybnt7sr6cm32xt77pazmtm65flqy6irivtflruqfc5ep7eiodiad.onion

Skip to content