Websaytka rasmiga ah ee dawladda Mareykanka

Tehrik-e Talibaan Pakistan (TTP)

Koonfurta iyo Bartamaha Aasiya

Adiga kaalintaada ka qaado.

Tehrik-e Taliban Pakistan (TTP) waa urur argaggixiso oo saldhigeedu yahay Pakistan iyo Afgaanistaan ururkaas oo la aasaasay sannadkii 2007. TTP waxay ujeedadeedu tahay inay dowladda Pakistan ay ka riixdo gobolka Khyber Pakhtunkwa (oo si rasmi ah loo yaqaan aagagga Qabaa’ilka ee Federaalku maamusho) oo ay ka dhisto shareecada iyada oo loo marayo falal argagixisanimo. TTP waxay hagis fikradeed ay ka heshaa ururka al-Qaacida (AQ), halka qaybaha AQ ay qayb ahaan ka tiirsan yihiin TTP si ay gabaad nabdoon uga helaan aagagga ku teedsan xudduudda Afgaanistaan iyo Pakistan. Qaabbayntan ayaa TTP siisay inay galaangal u yeelato labada shabakadood ee argaggixisada caalamiga ah ee AQ iyo khibradda hawlgelinta xubnaheeda.

TTP waxay fulisay oo sheegatay mas’uuliyadda falal argaggixisanimo oo badan oo ka dhan ah dowladda Pakistan iyo danaha Maraykanka, oo uu ku jiro weerarkii is-miidaaminta ahaa ee dhacay bishii Diseembar 2009 lagu qaaday saldhig ciidamada Maraykanku ku leeyihiin Khost, Afgaanistaan oo lagu dilay toddobo muwaadiniin Maraykan ah, iyo sidoo kale weerarkii ismiidaaminta ahaa ee dhacay bishii Abriil 2010 ee qunsuliyada Maraykanka Magaalada Peshawar ee dalka Pakistan ka dhacay halkaas oo lagu dilay lix muwaadin oo Pakistani ah. TTP ayaa looga shakisan yahay inay ku lug lahayd dilkii 2007-dii oo lagu dilay ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan Benazir Bhutto. TTP waxay hagtay oo ay fududaysay isku daygii fashilmay ee Faisal Shahzad ee uu ku doonayey in uu ku qarxiyo walxaha qarxa fagaaraha Times Square ee magaalada New York taariikhdu markay ahayd 1da bishii Maajo, 2010.

Taariikdu markay ahayd 1da bisha Seteember, 2010, Wasaarada Arimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa TTP u magacaabay inay yihiin Urur Argaggixiso Shisheeye sida ku xusan qodobka 219 ee Xeerka Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadda, sida wax laga beddelay, iyo sida Argaggixiso Caalami oo Gaar u Magacaaban sida uu dhigayo Amarrada Dowliga ee 13224, sida wax laga beddelay. Tan awgeed, dhammaan hantida, iyo danaha hanti, ee TTP, hoos timaadaa xukunka Mareykanka waa la xannibay, guud ahaan shaqsiyaadka Mareykankana waxaa laga mamnuucay inay wax fulin heshiis-ganacsi ah ay TTP la sameeyaan. Waa dembi in si oggaal ah loo bixiyo, ama la isku dayo ama la maleego in la bixiyo, ilo ama taageero maaddi ah loo gudbiyo TPP.

SUBMIT A TIP

Do Your Part. Secure a Safer World.

There are many ways to submit information to Rewards for Justice.

You may choose from multiple platforms and contact us in numerous languages. To process your information efficiently, we ask you to state your information as succinctly as possible, provide your name, location, and preferred language, and upload all relevant files such as photographs, videos, and documents to support your information. An RFJ representative will soon contact you. Please be patient, as RFJ reads every tip we receive.

Please visit our Tor-based tips-reporting channel at: he5dybnt7sr6cm32xt77pazmtm65flqy6irivtflruqfc5ep7eiodiad.onion

Si Tilmaan aad u soo Gudbiso

Adiga kaalintaada ka qaado. Adduunyo Ammaan ah Xaqiiji.

Waxaa jira siyaabo dhowr ah oo aad tilmaan u soo gudbin karto.

Waxaad ka dooran kartaa meelo badan oo aad nagula soo xiriirto oo luqado aad noogu soo gudbin karto. Si xogtaada si hufan loo socodsiiyo, waxaan ku waydiisanaynaa inaad macluumaadkaaga aad u sheegto sida ugu kooban ee suurtogalka ah, u soo raaci magacaaga, goobtaada, iyo luqadda aad door bidayso, oo aad geliso dhammaan faylasha khuseeya sida sawiro, muuqaalo, iyo dukumeenti si xogtaada ay wax uga tarto. Wakiil RFJ ka socda ayaa dhawaan kula soo xiriiri doona. Fadlan samir yeesho, maadaama RFJ ay akhrinayso tilmaan kasta oo na la soo gaarsiiyo.

Fadlan booqo kanaalka-warbixinta talooyinka-ku-saleysan Tor ee ah: he5dybnt7sr6cm32xt77pazmtm65flqy6irivtflruqfc5ep7eiodiad.onion

Skip to content